Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo la Caleemo Saarayo [Akhriso madaxda lagu casuumay xafladda]

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal kasoo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Guddiyada loo magacaabay caleemo saarka ayaa ka kooban lix Giddo oo mid waliba uu guddoominayo Wasiir ka tirsan xukuumadii hore ee xilka sii heysa, iyadoo guddi waliba qaabilsan yahay arrin gaar ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajao ayaa 8-dii Febraayo lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Mudaddaas kadib wuxuu xarun ka dhigtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkasoo xarun KMG ah ay u tahay.

Madaxda lagu casuumayo xafladda caleemo saarka Farmaajo ayaa la sheegay inay ka mid yihiin madaxda dalalka IGAD marka laga reebo Ereteria. Waxaana lagu wadaa inay Muqdisho yimaadaan madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxaa kaloo la filayaa madaxweynaha Uganda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON