Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kula kulmay qaar ka mida caruurtii uu ka geeriyooday weriye Cawil Daahir Salaad.
“Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad. Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil waxay naga mudanyihiin in la maamuuso. Argagixisada dilaysa haldoorka Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo meel uga soo wada jeesannaa..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo kulan wada sheekeysi ah la yeeshay saddex ka mida wiilasha weriye Cawil Daahir.
AUN Cawil Daahir Salaad ayaa ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo dhowaan ka dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada.