Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo lacag ku dhow 20,000 Doolar u bixiyay Ciid Mubaarak [Yaa la siiyay..?]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lacag ku dhow 20,000 oo doolar (labaatan kun oo doolar) u bixiyay samafal iyo Ciid Mubaarak.

Lacagtan ayaa la gaarsiiyay xero ay ku jiraan caruur agoon ah oo ku taalla degmada Afgooye, waxaana la sheegay in caruurtaasi oo dhan 170 midkiiba la siiyay lacag dhan $110  ($18,700) oo ka  timid Madaxweynaha Soomalaiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintan u wakiishay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed si uu ugu wareejiyo lacagtan caruurtaasi, iyadoo loogu talagalay inay ku ciidaan carruurta Agoonta ee ku jira Ex-xaruntii agoonta gabdhaha ee Kacaanka.

Ad
“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka caddeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta”. ayuu yiri agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada.

Lama oga halka lacagtan ka  timid, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu dhowaan sheegay inuusan aqoon mushaarkiisa, isla markaana aanu wax lacag ah ka qaadan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore lacag dhan 30,000 Doolar ugu wareejiyay Guddiga Gurmadka abaaraha, markaasoo uu sheegay in lacagtaasi lagu siiyay haddiyad.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON