Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda beesha Wasiirkii Howlaha guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya inuu saxiixo toogashada askarigii ka dambeeyay dilka wasiirka.
Xildhibaanadan sheegay inay la kulmayaan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa su’aal ka keenay sababta loo fulin la’ yahay xukunka dilka ah ee 7 Bilood ka hor lagu riday dembiilaha sida bareerka ah u dilay wasiirka.
Qaar ka mida xildhibaannada la kulmay madaxweynaha ayaa sheegay in dabagaal ku hayeen fulin la’aanta xukunka dilka ah ee gacan-ku-dhiiglihii dilay Wasiir Cabaas, taasoo fure u ah cadaalad laga gaaro kiiska sida ay sheegeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaan weli saxiixin go’aanka kama danbeysta ah ee lagu toogan lagaa dable Axmed C/llaahi Ceydiid, iyadoo culeys badan uu kasoo wajahay beesha H/Gidir, taasoo keentay in la hakiyo fulinta xukuntii maxkamadda ciidamada iyo tii rafcaanka oo isku raacay in la toogto gaca-ku-dhiiglaha.