Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya lagu casuumay booqasho uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta.
Casuumadan ayaa la sheegay inuu soo gaarsiiyay Danjiraha dowladda Imaaraadka Maxamed Axmed Alcusmani oo kulan gaara la yeeshay madaxweye Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Danjiraha Imaaraadka ayaa farriin iyo casuumaad soo gaarsiiyay madaxweynaha isagoo u sheegay in Imaaraadka Carabta ay taageero weyn go’aamisay in loo fidiyo dadka abaaraha ku dhufteen ee Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu berri u socdaalka Imaaraadka. Safiirka ayaa sidoo kale kulamo kala gaara la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xiisad ka dhex taagneyd labada dal kadib heshiiskii Imaraadka la gashay maamulka Somaliland ee lagu siiyay saldhig milateri oo Berbera laga siiyay iyadoo mooshin ka dhan ahna uu horyaallo Baarlamaanka.
Goobjooge.com