Madweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, iyadoo uu gabagabo yahay socdaalkiisa G/Dhexe.
Diyaargarow weyn ayaa ka socda magaalada oo ay tageen mas’uuliyiin fara badan oo hordhac ah, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga Hobyo iyo degaanada la xiriira, iyadoo ay gaareen ciidamada ilaalada Madaxweynaha, kuwa NISA iyo ciidamo ka socda maamulka Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waqtigii ugu dheeraa ku qaatay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq oo xaalado amni iyo siyaasadeed ay ka jireen, waxaana uu mar labaad ku noqon doonaa magaalada Cadaado oo ay ku sugeyso xaalad cakiran oo dhinaca siyaasadda ah.
Socdalka madaxweynaha oo toddobadkii saddexaad galay ayaa ahaa kii ugu dheeraa ee uu madaxweyne ku tago degaanada Soomaalida dagaaladii sokeeya kadib.