Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxda Maamul Goboleedyada u sharxay shaqooyinka laga rabo [Farriin culus ]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa madaxda maamul goboleedyada u sharxay shaqooyinka laga rabo maamulladooda, isagoo farriin culus u dirtay xilli uu magaalada Jubba ee Koonfur Suudan kula hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

“Maamul goboleedyada waxaa u yaalla  in addeegyadii bulshada ay gaarsiiyaan, haddii ay tahay waxbarasho, caafimaad, in dadka ay mas’uulka u yihiin ka warqabaan iyo haddey tahay ceelal inay u sameeyaan iyo canshuuraha inay uruuriyaan, anigu waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ah ee dunida ka jira waa noocaas”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo wax lala yaabo ku tilmaamo in madaxweyn maamul Goboleed uu faraha la galo arrimaha dibadda oo u gaara dowladda Federaalka.

Isagoo ka hadlayey hab-dhaqanka maamul Goboleedyada ayuu madaxweyne Farmaajo yiri: “Maamul goboleedka hadduu yiraahdo siyaasadda arrimaha dibadda oo gaar ah ayaa leeyahay, waxaa rabaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tago. Haddii aad la fariisato Madaxweyne Salva Kiir, adiga iyo Salva Kiir maxaa idinka dhaxeeyo..? ma wax baan wada saxiixan kartaan..? inlee adiga dowlad goboleed ayaa tahay, marka haddii aad soo raadsato Madaxweynayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha Gobolka waxaa muujineysaa in dalkaaga uu fowdo yahay, dalkaaga uu kala daadsan yahay, maxaa yeelay aniga iima imaanayo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo Maamul goboleedyada farriin culus uga soo diray dalka South Sudan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON