Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd magacaabay xilalkii ugu horeeyay ee dowladiisa.
Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah:
Agaasimaha Madaxtooyada ayaa magacaabay loo Dr. Cali Saciid Faqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels. Wuxuu kasoo jeedaa Beesha Tuni/Digil & Mirifle.
Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Siyaad Maxamuud Shire oo ahaa Qunsulka Guud ee Jeddah. Siyaad ayaa ka soo jeeda Beesha Dhulbahante.
Wuxuu kaloo magacaabay la-taliyihiisa dhinaca ammaanka oo loo magacaabay Xuseen Macalin Maxamuud oo ka soo jeeda Beesha Murusade.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xilalkan ku shaaciyay boggiisa twitter-ka wuxuuna ku dhawaaqay ilaa saddex xil iyadoo aanu weli ku dhawaaqin agaasimaha madaxtooyada, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiinta la magcaabay ay kumeelgaar yihiin.
Magacaabidda ayaa ku dhacday qaab degdeg iyadoo aan wareegto lagu soo saarin, waxaana muuqata iyo madaxda rasmiga ee xafiisyadan mar kale lagu dhawaaqi doono.
Goobjooge.com