Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo mahad-celintii ugu horeysay u jeediyay Shacabka Muqdisho [Akhriso]

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay mahad celin u jeediyay shacabka ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ku bogaadiyey sidii ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta iyo marti soorka wafdidii Madaxweynaha Eritrea.

“Waxaan ku bogaadinayaa bulshada Caasimadda sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo in ay u dulqaateen culeysyada dhanka isu socodka iyo ganacsiga labadii maalmood ee ay martidu nala joogtay.” ayuu ku yiri farriin madaxweyne Farmaajo farriin ay faafisay Madaxtooyada.

Farriinta Madaxweynaha ayaa lagu yiri “Ciidankeenna geesiyaasha ah ee maalin iyo habeen u taagan ilaalinta dhulka, nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay halkaas ka sii wadaan dadaalkooda, kana hortagaan fal kasta oo argagixisada Al Shabaab ay ku dhibaataynayaan shacabka iyo maqaamka dalkeenna.”

Madaxweyne ayaa sheegay inay guul ku soo dhammaatay marti gelinta wafdiga dalka aan walaalaha nahay ee Ereteriya, sida uu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON