Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmajo oo markii labaad taageero ka raadsaday Madaxweynihii hore C/qaasim Salaad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan a Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa markii labaad hoygiisa k booqday Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Madaxtooyada Soomaaliya oo warkan faafisay ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Cabdiqaasim Salad Xassan uu muujiyey sida uu uga xun yahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibaatada kooxda Al Shabaab ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amni Soomaaliya ka hana qaada.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo ku nool Dalka Masar, isagoo ka raadsanaya talo iyo taageero xilli uu wajahayo mucaarad xoog leh oo hoggaankiisa ka hor yimid.

Image may contain: 1 person, smiling, sitting, suit and indoor
Image may contain: 1 person, indoor
Image may contain: 1 person, suit and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON