Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Safiirka cusub ee Ruushka u soo magacaabay Somaliya & martiqaad..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay, xafiiskiisana ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Danjiraha Ruushka ayaa madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin uu uga siday madaxweynaha Russia Vladimir Putin, wuxuuna sheegay inuu dadaal geli doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku saabsan martiqaadka ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sanadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON