Madaxweynaha K/Galbeed oo Diyaarad Helikobtar ah ku tegay Magaalada Marko & Soo dhoweyn… (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi la socda ayaa ka degay magaalada magaalada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii diyaarad helikobtar ah kasoo qaaday magaalada Xudur.

Diyaaradda ayaa ka degtay Garoonka Diyaaradaha Ceel-jaale ee duleedka magaalada Marko ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Hoose, maamulka degmada Marko iyo qeybaha Bulshada, waxaa kaloo magaalada hore u tegay xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa kulamo la leh maamulka magaalada Marko iyo odayasha degaanka, isagoo kala hadalaya xaaladda amniga magaalada, waxaana markii uu horeysay ee uu halkaasi tago intii uu xilka qabtay, isagoo kasoo duulay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,029FansLike
1,064FollowersFollow
3,196FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!