Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirro ka howlgalaya magaalada Muqdisho.
Safiirada cusub ayaa ka kala socda Dowladaha Ireland Vicent O’Neill iyo Czech Republic Amb. Karel Hejč, iyadoo loo soo magacaabay inay dalalkooda wakiil uga noqdaan Soomaaliya.
Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.