Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Doha ee dalka Qatar.
Warka Wakaaladda Qatar ayaa lagu sheegay in amiirka dalkaasi iyo madaxweyne Farmaajo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyadoo aan wax faahfaahin ah bixisay.
HOOS KA AKHRISO LIISKA SAFARRADA MADAXWEYNAHA BISHAN FEBRAAYO 2019
9-kii Febraayo – Wuxuu u dhoofay magaalada Addis Ababa, isagoo ka qeyb galay Shirkii Midowga Afrika.
18-ka Febraayo – Wuxuu u dhoofay magaalada Bujumbura ee Dalka Burundi.
20-ka Febraayo wuxuu ka degay magaalada Jabuuti, isagoo la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
23-kii Febraayo – Wuxuu u socdaalay Magaalada Sharma’sheekh ee dalka Masar, isagoo ka qeyb galay shirkii dalalka Carabta iyo Yurub.
26-ka Febraayo – wuxuu haddana u safray magaalada Doha ee Dalka Qatar, isagoo la kulmi doona Amiirka dalkaasi Tamiim Bin Hamad.
Safarka maanta waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.