Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay kiisaskii ugu badnaa ee fulinta toogashada Dil-sugeyaasha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmod kooban gudahood saxiixay fulinta xukunnada dil-sugayaasha ku jiray xabsiyada.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa muddo afar maalmood ah gudahood ku fulisay toogasho lix eedeysane dil hore loogu xukumay, waana toogashii ugu badneyd e waqti sidaasi isugu dhow dhacda dhowaanahan.

Xukunnada maalmihii dhowaan la fuliyay waxaa ku jira dil-sugayaal muddo bilo ah ku jiray xabsiyada oo dowladii hore ee Xasan Sheekh la xukumay, laakiin madaxweynayaasha ayaa dib u dhiga saxiixa ugu danbeeya si fursado loo siiyo ama xaalad isbedel ahi u timaado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa leh amarka ugu danbeeya ee fulinta dilka toogashada ah, marka eedeysanaha ay maxkamadda ugu danbeysa xukunto, kana dhammaado rafcaanka uu qaatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON