Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Batroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ansixiyeen.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu Sharcigan u leeyahay shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama uu sharcigan hagayo xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.
Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsiga ku aaddan xasilloonida dalka iyo in wadajir ah ay ugu tallaabsadaan Gu’ga barwaaqo-sooranka iyo horumarka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.
Maamul Goboleedyad Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor yimid sharcigan, waxaana fadhigii lagu ansixiyey ee Aqalka sare ka baxay senatoorada kasoo jeeda Puntland, iyadoo ansixintiisa ay muhiim u tahay dowladda hadda jirta oo dooneysa inay sanadkan bixiso qandaraasyada baarista shidaalka Soomaaliya.