Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Xeerkii Saxaafadda ee Warbaahintu ka Qeylisay (Akhriso sababta)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeerka saxaafadda ee wax ka bedelka lagu sameeyay, isla markaana ay sida weyn uga qeyliyeen saxafiyiinta iyo warbaahinta dalka.

Xeerkan oo dhaqan galay Jannaayo 2016 markii uu saxiixay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib loo soo celiyey iyadoo laga dhigay mashruuc cusub, lana sheegay in wax laga bedelayo si xal loogu helo qodobadda ay ka cabteen saxafiyiinta, laakiin waxaa mar kale uu maray dariiq khaldan iyadoo aan la tixgelin cabashadii saxafiyiinta, waxaana ansixiyey Gobolka Shacabka iyo Aqalka Sare oo gudbiyey Janaayo 2020.

Arrimaha ugu waaweyn ee saxafiyiinta ka cabanayaan, kuna jira xeerkan ayaa ah awoodda wasaaradda warfaafinta uu siinayo xeerkan iyo qoddobo ay ka mid yihiin:

(1). Kaalinta wasaaradda warfaafinta ku leedahay Guddiga Saxaafadda oo ka kooban 9 xubnood, kaasoo ay ku yeelaneyso 3.

(2). Ganaaxyo iyo ciqaab la marsiinayo saxaafadda oo huwan lacago fara badan.

(3). Rukhsad bixinta warbaahinta iyo aqoonsiga weriyeyaasha oo halis ku ah saxaafadda xorta ah.

Xeerkan oo madaxweynaha uu heysatay muddo ka badan 7 bilood, isagoo sheegayey inuu la-tashanayo saxafiyiinta ayaa mar qura xalay lagu soo baraarugay iyadoo la sheegay inuu saxiixay madaxweyne Farmaajo ayna xaflad u sameyneyso Wasaaradda Warfaafinta oo isugu yeertay madaxda warbaahinta iyo ururrada saxaafadda.

Lama oga sababta uu madaxweyne Farmaajo xilligan ugu soo beegay saxiixa Xeerka saxaafadda iyo xeerar kale oo la shaacin doono xilli laga sugayey soo magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub oo muddo bil ka badan ku qaadatay, waxaana laga yaabaa in indhaha looga weecinayo xaaladda heysata Madaxtooyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON