Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyay hal sabab oo darteed uu xilka uga degi karo, isagoo farriin u diray maamulka Somaliland.
Isagoo shalay la hadlayay dadweyne ku sugnaa xeebta Liido, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho oo uu damaashaad uu ku tegay in Soomaaliya ay tahay dal mideysan, dadkeeduna aanay kala go’ karin.
“Dalkaan ma kala go’ayo, caalamkana ma rabaan in Soomaaliya kala go’do, waxaan ka shaqeynaynaa in la bilaabo wadahadal dhab ah sidii umadda la isugu soo dhoweyn lahaa” Madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu wax kasta u sameynayo sidii loo ilaalin lahaa Midnimada dalka Soomaaliya, iagoo ballan qaaday haddii uu xilkiisa ku weynayo inuusan ka tanaasuli dooonin midnimada dalka.
“Haddii ay tahay in xilkeyga ku weynayo waxaa iga muhiimsan midnimada Soomaaliya, siyaasiyiinta waa inay danta qaranka uga tanaasuli karaan jagada ay hayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa difaacay tanaasulkii uu xilka uga tegay markii uu ahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, “Aniga Ra’iisul Wasaare ahaa, waa ka tanaasulay, hadana waa i kanaa, shalay markaa meesha ka baxayay, dad baa waxay lahaayeen maxaa uga baxeysa ee meesha ku dhimo waa dhaqanki ila yaqaanay ma ogtahay”.
Goobjooge