Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Shir Degdeg ah isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada [Jawaabta shirkii Kismaayo]

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah degdeg ah ugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, kadib shirkii Golaha Wadatashiga ee kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo.

War laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shegay in Madaxweyne Farmaajo uu shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka. Waxaana shirkaasi la shaaciyey inuu magaalada Muqdisho ka dhcii doono 17-18-ka Sebteembar, 2018, waxaana la sheegay in shirkan looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyadoo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON