Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir degdeg ah isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirkan lagu soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas, iyadoo tallaabadan ay imaaneyso xilli ay xubno ka tirsan Aqalka Sare ay ku sugan yihiin degaanada Galmudug.
“Shirkan ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24-ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug…” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada.
Lama oga in u yeeristan ay aqbali doonaan madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Galmudug oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Federaalka.