Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag u difaacay safarrada badan ee uu dibadda ugu baxo.
Wuxuu sheegay in safar kasta oo uu aaday uu muhiimad gaara lahaa, isla markaana ay jiraan safarro uu dib u dhigay oo laga sugayo shacabka dartood iyo taageeradooda sida uu yiri.
Wuxuu ku dooday in safarradiisa shanta ah ay ahaayeen casuumaad uu ka helay wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya, isagoo caddeeyay in diyaaradahaasi uu ku safro ay soo diraan dalalka uu u safrayo.
Madaxweyne Farmaajo oo intii uu ku jiray ololaha doorashada balanqaaday inuu joojin doono safarrada fara badan ee madaxda ayaa toddobaadkan galaya safarkiisii lixaad muddo laba bilood gudahood ah, wuxuuna ku qasbanaaday inuu difaaco.
DHAGEYSO