Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka degay magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana lagu maamuusay hab madaxweyne, iyadoo madaxda Jabuuti uga hortageen garoonka.

Farmaajo iyo Geelle ayaa  ka wada hadli doona xiriirka Labada dal, iyadii Jabuuti ay ka mid tahay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka mida howgalka AMISOM. Waa markii ugu horeysay ee booqasho rasmi ah uu Farmaajo ku tago Jabuuti, isagoo hore u booqday dalalka Kenya iyo Itoobiya.

MadaxweyneFarmaajo ayaa la sheegay inuu khudbad ka jeedin doono Baarlamaanka Jabuuti, isagoo ka qeygeli doono xaflado soo dhoweyn ah oo dhiggiisa Jabuuti  madaxweyne Geelle u sameyn doono, kuwaasoo ay ka mid yihiin furitaanka dekad cusub oo laga dhisay Jabuuti.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON