Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo si weyn u bogaadiyey xiriirka Ganacsi iyo Duulimaadyada ee Somalia iyo Itoobiya [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya.

Furitaanka Beertan oo ay ka qeyb galeen madaxda dalalka IGAD ayuu Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyey iskaashiga ka dhaxeeya Somalia iyo Itoobiya iyo fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu sheegay in saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa madaxda IGAD u sheegay in inay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Ad

“Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhow la yeeshay Itoobiyada cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Waxaa munaasabaddan ku sugnaa Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON