Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday sir uu sheegay inay ku saabsan tahay duminta dowlad kasta oo la oo dhiso.
Wuxuu ku eedeeyay Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda inay doonayaan inay curyaamiyaan dalka oo ay niyad jebiyaan shacabka, wuxuuna sheegay in dadka ay ku dhex jiraan siyaasiyiin dano gaara oo aan indho iyo dhego lahayn sida uu yiri.
“Waxaan idin sheegayaa caawa sir, markii dowladii Xasan Sheekh 6 bilood jirtay ayaa la ila soo xiriiray oo la i yiri: dowladda ayaan mucaaradeynaa, waxaan ku iri dowladda waqti hala siiyo… dadka howsha hadda ku jira qaarkood markaasna waa ku jireen mucaaradnimada…” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay xaflad ka dhacday xarunta dugsiga sare ee Booliska Jen. Kaahiye.

“Waxaan idinla wadaagayaa caawa arrin sir ah ayaan idinla wadaagayaa, waxaa aad hada arkeysaan afar sano kahor way jirtay. Dowladdii dowladdaan ka horeysay markii la doortay iyadoo lix bilood jirta yaa la’ila soo hadlay aniga oo la’iyiri waa la Mucaaradaya Dowladdaas ee kasoo qeybgal, waa xaqiiqo waxaan idiin sheegayo oo waxaan ku iri Dowladdaan Lix bilood ey jirtaaye, maxay sameysay oo lagu mucaaradayaa? dadka howshaan hada ku jira qaarkood, markaasina waa ku jireen…. Xaqiiqada idiin sheegaya… Waxaan kula taliyey oo illaahay hortiis ah, waxaan ku iri wakhti ha la siiyo Dowladda, Dowladdu waa curdun, hadaa la doortay, sanado siiya, wakhtiga markuu soo dhowyahay qofkii damac ku jira halsano markay dhimantahay qorta wax alla waxii ka halaabay waa bani’aadan eh, intaas keena oo ummada u sheega inaad idinku wax ka fiican qabaneysaan, Laakiin lugaha iyo tafaha yaan la qaban Dowladda!. Hadana tii baa socota tafihii baa la rabaa in la qabto oo toban sano kahor wixii bilowday hada ay socdaan oo dib loogu noqdo, waxyaabaha keenay in Dowladda iyo Shacabka la kala fogeeyo . Waxaa la yiri been fakatay run ma gaarto, markii propoganda iyo been iyo wax aan jirin lagu celceliyo, shacabkii rajadoodii hoos ayaa loo dhigaya, waa la qalbi jebinayaa Shacabkii ileen been iyo Propoganda iyo waxaan jirin ayaa loo sheegay iyo waxaan xaqiiqo aheyn…” FARMAAJO
DHAGEYSO