Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegaya mid ka mida dalalka deriska

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegay dalalka deriska la ah Soomaaliya kadib markii xilka loo doortay.

Socdaalka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhamaadka bishan ku wajahan yahay dalka Kenya.

Sida uu sheegay hogaamiyaha Aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doona shirka madaxda IGAD ee arrimaha Qaxootiga oo magaalada Nairrobi ka dhici doona.

Kenya ayaa ka mida  dalalka deriska la ah Soomaaliya ee ciidamada ka joogaan, isla markaana faragelin toos ah ku heysa arrimaha Soomaaliya, waxaana labada dal u dhaxeeya dacwad ka taagan xuduudka  badda oo hortaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Socdaalkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah marka loo eego xiriirka labada dal, iyadoo la sheegay in xiriirka Kenya iyo Farmaajo uu ka wanaagsan yahay xiriirka dowlada kale ee Itoobiya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON