Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu soo gaabiyay socdaalkiisii dalka Itoobiya, isla markaana si degdeg ah ugu soo laabanayo Muqdisho.
Arritan ayaa ka danbeysay dilkii caawa madaxtooyada afkeeda hore lagu dilay wasiirkii howlaha guud Cabbaas Cabdullaahi Siraaji.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu madaxweyne Farmaajo amar ku bixiyay in la qabto kuwii ka danbeeyay dilka wasiirka. “Waxaan ku amray madaxda amniga in ay dhaqso uga sal gaaraan wixii sababay masiibadan ayna hubiyaan in gacan ku dhiigleyaashii la soo qabto” ayuu yiri Farmajo.
“Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo intaas raaciyay: “Aad Ayaan uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN”.
Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu soo gaabiyo socdaal uu ku maqnaa xaalad ka qabsatay gudaha dalka awgeed, muddooyinkan danbe.
Goobjooge.com