Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyay socdaalkiisii dibadda, kuna laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay socdaalkiisii, isagoo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaah ayaa ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, wuxuuna goor dhoweyd ka degay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mida dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaashii Caalamiga ahaa, waxayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON