Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi iyo farriin u diray dadka Soomaaliyeed iyo eheladii ku geeriyooday weerarkii Alshabaab ee xarunta Wasaaradad Shaqada magaalada Muqdisho.
“Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada… Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato..”
Madaxweyne Farmajo
ayuu Madaxweynaha ku yiri farriintiisa.
Wuxuu shacabka ugu baaqay in loo midoobay dagaal, isagoo yiri: “Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda…”
Madaxweynaha oo tacsidii ugu degdegta badneyd muddooyinkan laga helay markii ay qaraxyada ka dhacaan Muqdisho ayaa farriintiisa ku soo gabagabeeyay: Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.