Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Taliyeyaasha ciidamada & Maamulka G/Banadir ka dalbaday inay is casilaan ama… [Akhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan uu isugu yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Afarta Taliye Ciidamada dalka,
Guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaha Booliska G/Banaadir iyo
Taliyaasha Saldhigayada Gobalka Banaadir, isagoo si kulul ula hadlay, kana dalbaday inay casilaan haddii aysan waxba ka qaban karin amniga Caasimadda.

Kulanka oo xalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa si gaara looga hadlay amniga caasimadda ee si xumaanaya, sababaha keenay in waxba laga qaban waayo qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada, waxaana muddo saacado ah la isku weydaarsaday warbixinno keenay inuu madaxweyne Farmaajo si kulul ula hadlo madaxdii shirka ka qeyb gashay, kuna canaanto inay ka gaaboiyeen mas’uuliyadii saarneyd.

Farmaajo ayaa si gaara canaan ugu jeediyey Taliyeyaasha saldhiyada Booliska degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo Mas’uuliyiinta, isagoo ka careysnaa amniga faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, wuxuuna si cad ugu sheegay in dadkii iyo hantidooda ay isku dul baaba’een magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu yeeray haddii aysan waxba ka qaban karin amnigainay xilalkooda banneeyaan.

Amniga Muqdisho oo muddooyinkii damnbe sii xumaaday ayaa keenay in dowlada Federaalka ka gaabsato ka hadalka weerarradda ka dhaca caasimadda, waxaana hadda muuqata in madaxweyne Farmaajo uu amni darrada dusha u saaray maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada Gobolka ka howlgala.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON