Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay shirka wasiirada beeraha Afrika iyo Turkiga.Shirweynaha oo ahaa kii ugu horeeyay ee Turkigu qabanqaabiyo oo ka dhacay magaalada Antalya, Turkey ayuu Farmaajo u sheegay Turkiga in Afrika ay tahay dalkoodii labaad oo ay maalgashadaan.
Wuxuu ku martiqaaday shirkadaha iyo ganacsatada Turkiga inay maalgelin ku sameeyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay dhul beereed balaaran oo ku haboon beeraha, basle ay inta badan raashinka dibadda kasoo degsato.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu casuumay khudbad uu ka jeediyo shirka Wasiirada Beeraha Turkiga iyo Afrika.
SAWIRRO