Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Shirka Degdega ah ee Turkigu isugu yeeray dalalka Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb-galaya shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ).

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in safarkan uu salka ku hayo arrimaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON