Shirkii ugu horeeyay ee maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.
Shirkan oo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo ku casuumay madaxda maamullada dalka ayaa ujeedka ugu weyni la sheegay inuu yahay wadatashi laga yeelanayo shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo London ka furmaya.
Madaxda maamulada dalka oo hore uga mid ahaa Madashii Qaran ee la wareagtay awoodii Baarlamaankii 9-aad ayaan weli si toos ah wada shaqeyn u dhex marin madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisa marka laga reebo taageerada ay siiyeen doorashadiisa.
Shirkan ayaa bilow u noqon doona qaabka uu noqon doono wadashaqeynta dhex mari doonta dowladda madaxweyne Farmaajo iyo maamulada dalka oo ka mida awoodaha caqabadda ku noqda dowlad kasta oo Villa Somalia ka arrimisa.
Goobjooge.com