Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa War kasoo saaray dagaalada ka qarxay degaanka Xeraalka ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka taagan degaanka Xeraale ee Gobolka Gal-guduud oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu suna iyo maleeshiyada degaankaasi.
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.Wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan, iyadoo loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.
“Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayey dagalaaka ka dhacay deeganaadaas.
Dhinaca kale madaxweyne Famaajo ayaan soo hadal qaadin dagaallada kale ee ka socda Gobolka Shabeelada Dhexe.