Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiin uu ku sheegay inay xanaaqsan yihiin oo rajo beel jooga, kuwaasoo dadka qalbi jebiya, wax kastana sheega inay fashilmeen.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey munaasabad ku saabsan horumarinta waxbarashada dalka ayaa ka sheegay in siyaasiyiinta xanaaqsan lagu yaqaan arrimo ay ka mid yihiin: inay xalaalleysteen been, ayna ka hadlaan burburka dalka iyo in beesha caalamka ay dhexdhexaadiso.
“Syaasiyiinta xanaaqsan waxaay ka hadlaan waxa xun, dadka ayay niyad jebiyaan, waxay leeyihiin dalkani waa burburay, Ciidamadeenu tabar ma laha, waa nagaal adkaaday, ha naloo yimaado, beesha caalamka hanaga soo gaarato, siyaasiga xanaaqsanow dadka ha naga qalbi jebinna..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo si toos ah weeraray siyaasiyiinta ay ka mid yihiin madaxda maamul goboleedyada.
DHAGEYSO MADAXWEYNE FARMAAJO