Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadistii ugu weyneyd sameeyay [Akhirso Mas’uuliyiinta uu magacaabay]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xil ka qaadistii ugu weyneyd ee uu ku sameeyo xilalka taliyeyaasha ciidamada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale isagoo xilkaasi u maghacaabay Taabit Cabdi Maxamed oo ay saaxiibo ahaayeen, isla markaana ahaa safiir ku xigeenka Soomaaliya u jooga dalka Mareykanka.

Dhinaca kale Taliyaha Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka C/llaahi Gaafow ayuu xilkii ka qaaday isagoo u magacaabay  C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo hore xilkaasi u soo qabtay.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid,  iyadoo xilkaasi laga qaaday taliyihii hore Maxamed Aadan Axmed oo fadeexooyin badan ku soo baxeen.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood oo ay sarkaal ay isku jufo yihiin madaxweynaha, iyadoo xilkaasi laga qaaday Gen. Cali Baashi.

Marka la eego shaqsiyaadka uu magacaabay madaxweyne Farmaajo aya intooda badan ay yihiin kuwii hore ula soo shaqeeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo kala bar ay soo qabteen xilalka hadda loo magacaabay, waxaana muuqata in isbedel weyn aan la fileynin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON