Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada & Mid cusub oo la…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida, isagoo magacaabay guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee ciidamada ayaa loo magacaabay Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), waxaana xilkii laga qaday Gen. Liiban Alow Yarow oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Booliska, Waxaana loo dalacsiyey Gaashaanle Sare.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ayaa hore u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cabdi Shirdoon Saacid; dhinaca kale xukuumadii Kacaanka ayuu kasoo shaqeeyay Maxkamaddii Badbaadada dalka.

Magacaabidda, dalacsiinta iyo kala bedelka xilalka ayaa inta badan yimaada xilliyada kala guurka ah ee madaxda xilku ka dhammaanayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON