Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Doha ee dalka Qatar [DAAWO]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar.

Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu yahay mid rasmi ah, iyadoo uu casuumaad ka helay Amiirka dalkaasi Tamiim Bin Xamad Ala-thani.

Wakaalada wararka Qatar ayaa hore u shaaciyay in madaxweynaha uu socdaal rasmi ah Arbacadda uga bilaaban doono dalka Qatar, isla amrkaana ay labada dal ka wadahadli doonaan xiriirka u dhaxeeya iyo iskaashiga labada dal.

Ad

Amiirka Qatar iyo madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan isku arkay shirkii Riyaad ee madaxda islaamka iyo Mareykanka, waxaana la sheegay in markaasi madaxweynaha Soomaaliya Amiiirku  ka dalbaday inuu si degdeg u tago Doha.

Waxaa xusid mudan in dhowaan uu dalkaasi booqday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay shirkii Doha Forum.

SAWIRRO

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON