Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ballabqaaday haddii uu 4-ta sano ee uu heysto wax ku qaban waayo inuusan mar labaad isu sharxi doonin.
Isagoo ka hadlayay degmada Afgooge ayuu sheegay in haddii uu wax ka qaban waayo xaaladaha Amniga iyo dib u heshiisiinta dalka aanu rajo ka qabin 4-sano oo kale inuu isu soo taago xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya.
‘Waxaan idin sheegayaan afar sano ee soo socota uma hanqal taagayo, hadda ayaan rabaa inaan wax qabto idinkuna aan nala shaqeysaan..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo o ka jawaabay markii dadka Afgooye ay sheegeen inuu sii joogi doono afar sano oo kale.
DHAGEYSO
Goobjooge.com