Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmajo: “Waa in xasiloonida siyaasadeed een heysano la gaarsiiyo maamul Goboleedyada”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka oo qaabilsan dib u eegista Dastuurka KMG ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubnaha labada Guddi ayaa kulanka ka jeediyey warbixin ku saabsan howlaha u qabsoomay muddadii labada sanno ahayd ee ay shaqaynayeen, kuwa qabyada ah iyo qorshayaasha uga dejisan dardargelinta geeddiga qabyatirka Dastuurka, waxayna sheegeen inuu meel fiican marayo geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la gagabeeyay qaybta la xiriirta arrimaha farsamada iyo dib u eegista qodabbada iyo qoraalka dastuurka, balse loo baahan yahay in wada xaajood loo dhan yahay laga yeesho qodabbada masiiriga ah ee siyaasadda la xiriira.

“Waxaan aaminsanahay inaad geeddiga soo gaarsiiseen meel fiican oo la dhammeystiri karo. Waxa arrintan qayb ka qaatay xasiloonida siyaasadeed ee aan haysanno oo aan aaminsanahay haddii aysan jiri lahayn inay hawsha aad haysaan intan ka sii adkaan lahayn. Waxa loo baahan yahay in xasiloonidaas la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada.” ayuu kulanka ka sheegay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hawsha dhammaystirka dastuurku ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed, sidaasi awgdeedna ay muhiim tahay in laga hawlgalo sidii qayb looga geysan lahaa fududaynta iyo taageerada hawshan Qaran iyada oo laga tanaasulayo danaha shakhsiga ah.

Shirka waxa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON