Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo khudbadiisa ka akhrinayey warqad diyaarsan ayaa ka hadlay qorshaha Horumarinta Qaran ee 5-ta sano ee soo socota, wuxuuna ka kooban tahay afar tiir oo kala ah: Amniga iyo siyaasadda, Kobcinta dhaqaalaha, Degaanka iyo horumarinta bulshada.
“Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Wasiirka soo diyariyey Qorshahan uu yahay wasiirkii ugu cimriga dheeraa xilka 20-kii sano ee lasoo dhaafay, ayna muhiim tahay in la helo xasilooni siyaasadeed si horumar loo gaaro, sida uu yiri.
Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.