Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo Wasiir ka tirsanaa Xukuumada Somalia u magacaabay Safiirka cusub ee dalka Sacuudiga

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doonaa Boqortooyada Sacuudiga, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xasan Ashkir ayaa loo magacaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u jooga Boqortooyada Sacuudiga, waxayna arrintan soo baxday madaxweyne Farmaajo uu ku sii jeedo Sacuudiga, halkaasoo uu uga qeybgeli doona shirka degdega ah ee madaxda Jaamacadda Carabta uu ugu yeeray Boqorka Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isbedelladii ugu badnaa ku sameeyay labadii sano ee uu xilka hayey safiirada Soomaaliya u fadhiyey dalalka dibadda, waxaana xilalkii laga qaaday in ka badan 15 safiir, iyadoo dalal muhiim ah aanay weli safiiro joogin sida Mareykanka, UK iyo kuwo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON