Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan ku dhashay xaafadii Isku-rarran ee magaalada Muqdisho, 55 sano ka hor …”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay noloshiisii hore iyo sidii uu ku barbaaray.

Farmaajo ayaa sheegay inuu ku dhashay xaafadii isku raran ee la burburiyay sanadihii toddobaatameeyadii, halkaasoo hadda ah goobta loo nasasho tago ee Beerta Nabadda.

“Magaceygu waa Maxamed C/llaahi Famaajo, waxaan ku dhashay xaafadda isku rarran (-Waa xaafadda aan sharci ahayn oo dadku is-dul degan yihiin.., kana mid ahayd degaanadii taariikhiga ahayd ee Muqdisho oo la burburiyay 1970-meeyadii- hadda waa beerta nabadda) ee magaalada Muqdisho 55 sano ka hor, aabahay ayaa u soo qaxay Muqdisho xilligii gumeysiga Talyaaniga; waxaan wax ku bartay Soomaaliya iyo Mareykanka oo aan ka baxay Jaamacadda Buffallo ee Gobolka New York. Waxaan ra’iisal wasaare ka noqday Soomaaliya intii u dhaxeysay November 2010 ilaa June 2011, waxaana madaxweyne la ii doortay 8 Febraayo  2017..” ayuu yiri Farmaajo oo taariikh nololeedkiisa uga hadlay Jariirada Sharqul Awsat ee afka Carabiga lagu qoro.

Wuxuu kaloo Farmaajo uu ka hadlay xaaladii uu dhaxlay markii uu talada dalka Soomaaliya la wareegay isagoo sheegay inay ahayd mid aad u adag oo dowladdu aanay awood badan lahayn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON