Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay qaraxa ka dhacay magaalada Mancherster ee dalka Ingiriiska.
Farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu sheegay inuu cambaareynayo qaraxa argagixiso ee lala beegsaday dadka aan waxba galabsan, isaguna aamisan yahay in UK ka guuleysan doonaan.
“Niyadeena iyo ducadeena waxay ka jirtaa dhammaan dadka ku waxyeeloobay weerarka Manchester” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in UK ay garab istaagtay Soomaaliya, iyaguna ay garab istaagayaan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inta badan tacsi iyo cambaareyn u dirta marka ay qaraxyo ka dhacaan dalalka Yurub, halka ay ka gaabsato marka qaraxyo lala beegsado dadka Soomaaliyeed.
Goobjooge.com