Thursday, July 17, 2025

Madaxweyne Farmaajo Xil u magacaabay mid ka mida saaxiibadiisii ololaha Doorashada

Wararka laga helayo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in la magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada.

Xilkan ayaa loo magcaaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/dhexe waxaana xilka laga qaaday Mr C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan hore u hayay.

War hore loo shaaciyay oo ahaa in Yuusuf Jaalle loo magacaabay Maareeyaha Garoonka ayaa meesha ka baxay, waxaana magacaabiddan la shaaciyay iyadoo uu dalka ka maqan yahay Madaxweyne Farmajo.

Yuusuf Jaalle ka mid ahaa saaxiibada madaxweynaha oo qeyb ka ahaa ololihii doorashada, waxaana xilka loo magacaabay uu ka hooseeyaa kii uu markii hore filayay.

Xilalka laga qaadayo mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ayaa xowli ku socota iyadoo madaxweyne Farmaajo uu noqday mas’uulkii ugu bedelid badnaa madaxda hay’adaha dowladda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON