Rajo badan ayaa dadku ka qabaan inuu dalku ka dhaco isbedel keena in lala dagaalamo musuqmaasuqa ragaadiyay dowladda, waana sida lagu doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynaha cusub waxaa balanqaadkiisii ka midka ahaa inuu ammaanada umadda ilaalinayo, kana hortegayo musuqmaasuqa, waxaana isla qodobkaan umadda u sheegay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo arrinta gaarsiiyay heer uu sheegay inay la jihaadayaan musuqa.
Waxaan halkan ku soo bandhigayaa si arrintan loo rumeysto rajada la qabaana ay bilow wanaagsan u yeelato, waxaa farriintan ku tilmaamayaa shan qodob oo ka horeeya DAGAALKA MUSUQ LA-DIRIRKA ee ay ku dhawaaqeen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Qodobaddaas inkastoo madaxweynaha ay ku socdaan waxaa la wadaaga, Ra’iisal wasaaraha iy xildhibaanada.
QODOBADDA WAXAY KALA YIHIIN:
1 – In Madaxweynaha iska bilaabo dagaalka lagu qaadayo musuqa oo uu qirto lacagihii uu ku bixiyay doorashada, cafiska weydiisto umadda, isagoo ballan qaadaya inuu si daacad ah u dhaqmi doono [Codsigan waxaa hore u soo jeediyay Guddoomiyihii guddiga anshaxa doorashadii Madaxweynaha Soomaliya, waana mid weli taagan.. DHAGEYSO GUJI]
2- In madaxweynaha miiska soo saaro lacagihii loogu keenay haddiyadda ama sooryada madaxweynea, sida dhaqaalaha uu ka soo helay safarradii dibadda siiba socdaalkii Sacuudiga, kuna wareejiyo Bankiga Dhexe si ay qeyb uga noqoto hantida Qaran [Wuxuu hore madaxweynaha lacag gaareysa 30,000 doolar ugu wareejiyay Guddiga abaaraha isagoo sheegay in qoyskiisa hadiyad loogu keenay –AKHRI WARKA].
3- In Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay amraan, meelna saaraan isla-xisaabtan keena xisaabxir iyo dabagal lagu sameeyo hantidii ay musharixiinta kala duwan ka qaadeen Guddiyadii Doorashada ee kala danbeeyay iyo halkii ay ku danbeysay. [Guddigii Doorashada Heer Federaal iyo Guddiga doorashada Laba guddoon ee Baarlamaanka].
4- In dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada lagu bixiyay ilaha dhaqaalaha dowladda ee shirkado ajnabi ah iyo kuwa gudaha ahna ay maamulaan hantida qaran, iyagoo Guddi isku dhaf ay oo caalami ah horeba ugu taliyay inay heshiisyadaas ahaayeen kuwo aan qaab sharci ah loo marin [AKHRI WARKAN].
5- In la helo Guddi madax bannaan oo arrinta musuqmaasuqa dabagal ku sameeya, isla markaana awood u leh inay soo baaraan, soona meeleeyaan hantida qaran ee siyaabaha kala duwan loo lunsado, lana qeexo dhammaan wixii noqon kara musuq iyo lunsasho hanti qaran.
Markii intaan la helo kadib waxaa la aamini karaa in dowladda cusub ay ku socoto dariiqa ay kula dagaalameyso musuqmaasuqa, haddiise sidii hore lagu soo koobo arrinta in afka laga sheego, dagaalku noqdo “QAWDA MAQASHII, WAXNA HA QABAN” waxay dowladi cusubi noqon doontaa mid aan waxba dhaamin kuwii ka horeeyay oo iyagoo laba-canleynaya hantida umadda ku hadaaqi jiray inay nadiif yihiin.
W/Q: Hassan Moalim [Goobjooge.com]
HOOS KA AKHRI QORAALLO XIRIIR LA LEH
Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan 11 heshiis oo dowladda Federaalka la gashay shirkado ajnabi ah