Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmajo oo Jabuuti uga qeyb galaya shirkii degdega ahaa ee IGAD (Dacwad Somalia ka gudbisay..)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u dhoofay glabata dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir degdeg ah oo Dalalka Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Shirkan ayay Soomaaliya hordhigi doontaa dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo ay ku eedeysay inay faragelin ku heyso Madaxbannaanideeda, isla markaana ay abaabuleyso ciidamo jabhad ah oo soo weerarra Gobolka Gedo..

Waxa Madaxweynaha ku wehliya shirka Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo shalay gaaray Jabuuti.

Shirka waxaa kaloo hareeyay xaaldda ka aagan xuduudka dalalka Itoobya iyo Suudaan, kadib weerar ay ciidamo iyo maleeshiyo ku qaadeen gudaha Suudaan, taasoo ay dowladda Suudaan si adag uga jawaabtay.

Image may contain: 6 people, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON