Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Farmajo oo si kulul uga hadlay Weerarkii Kismaayo, Amarna u diray Hay’adaha Amniga Federalka & Jubaland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkii magaalada Kismaayo, wuxuuna ku amray ciidamada amniga dowladda Federaalka ee ku sugan Kismaayo iyo kuwa maamulka Jubbaland inay ka hortaghaan weerarrada argagixisada.

Qoraal Madaxtooyada Somalia kasoo baxay xalay Saqdii dhexe kadib aayuu Madaxweyne Framaajo u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON