Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta u dhoofay dalka Jabuuti oo socdaal rasmi ah uga bilaabanayo dalkaasi.
Qoraal kooban oo madaxweyne Farmaajo ku soo beegay safarkiisa dalka Jabuuti ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka uu ku tegayo dalka Jabuuti oo ku soo beegmay geedi socodkii nabadda iyo dib u heshiisiinta Somalia oo Jabuuti ay bilowday Agost sanadkii 2000, isla markaana uu wadahadal la yeesho madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka Geeska Afrika.
Xiriirka Somalia iyo Jabuuti oo mar gaaray heerkii ugu xumaa abid markii madaxweyne Farmaajo heshiis isbaheysi la galay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo markaas kadib xiisadaasi ay qabowday.