Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Gaas oo xilalkii ka qaaday Agaasimeyaashii Sirdoonka & Amniga ee Puntland [Akhriso]

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaasi) ayaa xilalkii ka xayuubiyey Agaasimayaasha Hay’adaha Nabadsugidda iyo Amniga ee Puntland sida lagu sheegay wareegto ka soo baxay xafiiska Madaxweyna.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaan wax sabab ah u yeelin xil ka qaadista hay’adaha amniga iyo sirdoonka Puntland oo ah labada hay’adood ee ugu muhiimsan ee qaabilsan sugidda nabadgelyada.


HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha Amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON