Friday, June 27, 2025

Madaxweyne ku xigeenadii Maamulka Suna ee Gobollada Dhexe oo xilka laga qaaday

Mid ka mida madaxweyne ku xigeenada maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ayaa xilka laga xayuubiyay.

Madaxweynaha Maamulka Ahlu sunna ee Gobollada Dhexe Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa wareegto uu soo saaray xilkii uga qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisa Saadaq Sheekh Yuusuf.

Shir jaraa’id oo madaxa Warfaafinta Maamulka Ahlu sunna Muxyadiin Cali Jimcaale  uu ayuu ku sheegay in wareegto kasoo baxday madaxweynaha maamulka Ahlu sunna xilkii looga qaaday Madaxweyne ku xigeenka iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Khilaaf saameeyay maamulka Ahlu suna ayaa muddooyinkan danbe ka taagnaa magaalada Dhuusamreeb, kaasoo markii dambe keenay inuu galaafto Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka ahaa Madaxda Ahlusunna, awoodna ku leh Gobolka Galgaduud.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON